Ciidamada Booliiska Kenya Ee Gobolka Waqooyi Bari Oo Heegan La Geliyay

17

Booliiska ka howlgala gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa la geliyay heegan buuxa kadib markii ay dowladda Kenya shaacisay in gobolkaasi ay u talaabeen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.

Heeganka la geliyay ciidamda Booliiska gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa yimid kadib markii ciidamada Booliiska ee dalka Kenya ay sheegeen in ay heleen macluumaad ku saabsan in maleeshiyaad ka tirsan Shabaab Alqaacida ay soo galeen gudaha dalka Kenya,  iyagoo ka soo talaabay xadka ay Kenya la wadaagto Soomaalia.

Ciidamada ayaa sheegay in maleeshiyaadka Shabaab ee soo galay gudaha Kenya ay doonayaan in ay falal amnidarro ah ka geystaan dalkaasi Kenya,  sidaasi darteedna heegan sare ay u galeen ciidamadu si ay uga hortagaan fal kasta oo liddi ku ah amaanka.

Dalka Kenya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa k sii kordhayay falal qorsheysan oo lala beegsanayay dad rayid ah iyo ciidamada amaanka dalkaasi,   iyadoo ciidamada booliska sheegeen in ay dabagal xoogan ku hayaan kooxaha xiriirka la leh Alqaacidda.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.