Haamo Laga Cabsi Qabo Iney Ku Jiraan Sun Oo Markale Kusoo Caariyey Xeebaha Galmudug

54

Wasiirka wasaarada dakadaha  kaluumeysiga iyo kheyraadka badda ee maamul goboleedka Galmudug mudane C/qaadir Cali Jaamac (Qalab xoor) oo maanta khadka taleefanka kula hadlay warbaahinta dowlada xafiiskeeda Magaalada Galkacyo isagoo ku sugan dagmada hobyo ee gobalka mudug ayaa sheegay in xeebaha ku dhaw dhaw dagmadaasi ay kasoo caariyeen ilaa iyo sadax haamood oo aan la ogeyn waxa ku jira.

Wasiirka ayaa waxaa uu carabaabay in haamahaasi oo tiradoodu gaareysay sadax haamood ay kasoo caariyeen xeebaha ku teedsan deegaanada Iidaan Afweyn iyo Gal hagoog oo kudhawaad 120km dhanka waqooyi bari kaga beegan dagmada hobyo ee Gobalka Mudug waxaana uu intaasi ku daray in haamahaasi ay yihiin kuwa daxaleystay isla markaana laga yaabo in ay dilaacaan .

Wasiirka ayaa mar la weydiiyay in ay ogaadeen waxa ku jira haamaha kasoo caariyay xeebaha gobalka mudug waxa uu sheegay in ilaa iyo haatan aan  si dhab ah loo ogaan waxa ku jira balse ay filayaan in ay yihiin sunta haraadigaa ee lagu daadiyo badaha dalka.

Ugu danbeyn  Wasiirka wasaarada dakadaha, kaluumeysiga iyo kheyraadka badda ee maamulka Galmudug mudane C/qaadir Cali Jaamac (Qalabxoor) ayaa ka codsaday dowlada iyo beesha caaamku in ay ka gacan siiyaan sidii loga hortagi lahaa qatar ka dhalata haamahaasi maadaama ay yihiin kuwa aad u daxaleystay isla markaana laga yaabo in ay dilaacaan .

Ma ahan markii u horeysay oo haamo aan la ogeyn waxa ku jira ay kasoo cariyaan xeebaha ku teedsan Goballada mudug iyo bari.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.