Hilary Clinton Oo Sheegtay In Mareykanka Uu Si Buuxda U Garab Taaganyahay Soomaaliya

54

Dibadda dalka Mareykanka Hilary Clinton ayaa sheegtay in Dowladda Mareykanka ay si buuxda u garab taagantahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Mss Clinton oo ka hadleysay shirjaraa’id oo ay qabatay kadib kulammo ay wada yeesheen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka uu si buuxda u aqoonsanyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana uu la amba qaadayo xiriir qoto dheer.

“Soomaaliya waxey hada gashay marxalad cusub oo isbedel ah,dowladda Mareykanka waxey si buuxda u taageereysaa isbedelkaas hormarineed ee Soomaaliya ka jira waxeyna la yeelaneysaa xiriir buuxa oo ku dhisan iskaashi,wax wada qabsi iyo wada shaqeyn”ayey ku tiri shirkeeda jaraa’id xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mss Hilary Clinton.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Hilary Clinton oo hadalkeeda sii wadato ayaa tiri “waxaan si buuxda u aqoonsannahay iney Soomaaliya ka jirto dowlad rasmi ah labada dowladood waxey ka wada shaqeyn doonaan wax walba oo hormarka dadka Soomaaliyeed ay ku jirto”

Ugu dambeyntii xogahayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka Hilary Clinton ayaa sheegtay in Madaxda Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ay si buuxda ugu heshiiyeen bilaabidda xiriir qoto dheer kaasi oo mustaqbalka horseedi doona wada shaqeyn buuxda iyo iskaashi ay yeeshaan labada Dowladadood.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.