Diblumaasiyiin Iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed Ee Mareyknaka Oo Guul Ku Tilmaamay Kulammadii Uu Madaxweynaha La Qaatay Madaxda Dalkaasi

46

Diblumaasiyiin Soomaaliyeed oo ku nool gudaha dalka iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay xiriirka u bilowday Soomaaliya iyo Mareykanka iyo kulammadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud la qaatay madaxda dalka Mareykanka.

Diblumaasiyiinta oo ka qeybgalayey barnaamijka Kulanka Jimcaha oo maanta oo kale ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxey guul taariikhi ah ku tilmaameen kulammada uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud la qaatay Madaxda sare ee Dalka Mareykanka iyo xiriirka adag ee labada dowladood u bilowday.

Sidoo kale qaar ka mid ah Jaalliyadda Soomaaliyeed ee iyana ku nool dalka Mareykanka oo Barnaamijka ka qeybgalay ayaa sheegay iney aad ugu farxeen markii ay shaanshadaha caalamka ka daawadeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Mareykanka oo kulmaya islamarkaana kulammada iyo xiriirka labada dowladood u bilowday uu yahay guul Soomaaliya usoo hooyatay.

Guud ahaanba dadka Soomaaliyeed gaar ahaanna dadka odorasa Siyaasadda ayaa muhiimad weyn u arka xiriirka diblumaasiyadeed ee dhinacyada iskaashiga iyo wadashaqeynta ee ay isla meel dhigeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dalka Mareykanka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.