Ciidammada Nabad Sugidda Oo Xalay Muqdisho Ka Sameeyey Howlgal Ay Kusoo Qabteen Hub Iyo Walxaha Qarxa

23

Ciidammada Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa habeennimadii xalay aheyd ka sameeyey magaalada Muqdisho xaafado ka mid ah howlgal aad u ballaaran ayadoo howlgalkaasina ay ciidammadu kuso qabteen hub farabadan iyo walxaha qarxa.

Howlgalka ayaa waxaa xalay lagu qaaday xaafaddo ay si gaar ah Ciidammada Nabad Sugidda Qaranku u heleen xogahooda in lagu hayo hub iyo walxaha qarxa ayadoo howlgalkaasina ay Ciidammadu u fuliyeen si qorsheysan oo ay xeeladi ku dheehantahay.

Taliyaha Ciidammada Nabad Sugidda gobolka banaadir General Khaliif Axmed Ereg oo Warbaahinta shirjaraa’id ugu qabtay maanta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalkii xalay ay kusoo qabteen hub isugu jiray qoryaha fudud,gantaallada garbaha laga gano, bambaanooyin iyo baaruudda laga sameeyo qaraxyada ee halista ah waxaana uu xusay General Ereg in howlgalka ay ciidammadu si gaar ah uga fuliyeen goob ay xogteeda hayeen.

General Khaliif Axmed Ereg Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Banaadir ayaa u mahad celiyey shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmooyinka magaalada Muqdisho oo uu ku ammaanay iney Ciidammada ammaanka si weyn ula shaqeeyaan hadii aysan wada shaqeyntooda jiri laheynna aanay amnigu sidaan ahaan laheyn waxaana uu taliyuhu ku dhiirageliyey shacabka iney sii wadaan wada sahqeyntooda.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallo ay si isdaba joog ah Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed uga fulinayaan degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir ayadoo howlgalladanna ay qeyb ka yihiin xaqiijinta ammaanka Caasimadda Dalka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.