Wasiirka Arrimaha Dibadda “Xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya waxa uu albaabka u furayaa isbedel cusub oo hor leh”

60

xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo faah faahin ka bixisay kulamada ka dhacay dalka Mareykanka ee ay yeesheen Madaxda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa sheegtay in kulammadaasi ay dhabaha u xaari doonaan sidii ay Soomaaliya ula jaan qaadi laheyd isbedelka cusub.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Ra’isulwasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wareysi siisay Radio Muqdisho ayada oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa tilmaantay in socdaalka madaxweynaha ee Mareykanka iyo kulammadii uu la qaatay madaxda dalkaasi ay yihiin kuwo sidii loogu talagalay ku dhacay.

“runtii Soomaaliya iyo Mareykanka waxey ku heshiiyeen iney ambaqaadaan xiriir adag oo ku dhisan wax wada qabsi,iskaashi iyo wada shaqeyn waxaana xiriirkaasi uu dhabaha u xaari doonaa ama albaabka u furi doonaa sidii ay Soomaaliya ku amba qaadi laheyd hormarka ay hiigsaneyso”ayey tiri Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Ra’isulwasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa xustay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii ay xiriir qoto dheer ula yeelan laheyd guud ahaanba dalalka caalamka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.