Mucaaradka Algeria oo afduubtay 20-ruux oo ajaanib ah

21

Sida lasoo warinaayo Kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda Jiritaanka Xukuumadda Algeria ayaa la sheegaya inay 20 ruux oo ajaaniib ah ka afduubteen goob shidaal laga qodaayo oo kutaala bariga wadankaasi

Ciidamada dowlada Algeria oo iyagu doonaayo inay bad-baadiyaan 20-Ruux ee Ajaanibta la afduubtay ayaa ku hareeraysan goobta shidaalka, wararka ayaa sheegaya in  kooxaha afduubka geystay ayaa dileen muwaadin Algerian ah iyo mid u dhashay dalka Ingiriiska ,kahor inta aysan afduuban 20 kale kadib weerar ay ku qaadeen xarunta ay ku sugnaayeen ee magaalada Amenas.

Xukuumadda Algeria ayaa sheegtay in 20- Ruux ee la afduubtay ay isugu jireen  dad u kala dhashay wadamada kala ah British, Japanese, US, French and Norwegian,inkastoo sida ay xukuumada shaacisay

Arintaani ayaa imaaneysa Xili Xukuumadda Algeria ay ka cabaneyso Mucaaradka kasoo horjeeda xukuumadda oo kusii badanaaya Al-Geria, ilaa iyo iminkana xukuumadu kuma aynan guuleysan inay gacanta kusoo dhigto Kooxaha Mucaaradka ee gacanta ku hayo 20- Ruux ee Ajaanibta ah

Afhayeen u hadlay kooxa wax afduubtay ayaa sheegay inay hayaan 41 ajaaniib ah,iyadoo ay sii daayeen daraasiin u dhashay dalka Aljeria kuwaasi oo shaqaalo ahaa

Si kastaba ha ahaatee Xoghaya arimaha dibada Ingiriiska William Hague ayaa xaqiijiyay in muwaadin Ingiriis ah dhintay,tiro kalana ay yihiin kuwo afduuban ka dib markii la hadlay warbaahinta, waxa uuna sheegay Xoghayaha in dilka iyo jirdilka muwaadiniintooda ay kula xisaabtami doonaan Ragga afduubka geestay iyo waliba xukuumadda Algeria oo uu ku sheegay inay dayacday masuuliyadda ka saarneyd ilaalinta 20-ruux. Sida uu hadalka u dhigay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.