Dowladda Soomaaliya oo Ka qayb galeysa Shirka Baarlamaanada Islaamka oo Khartoum ka dhacaya

29

Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar iyo wafdi xildhibaanno ah oo xalay soo gaaray gaaray magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan ayaa  uga qeyb-galaya  kulanka siddeedaad ee Golaha Guud ee Midowga Baarlamaannada Islaamka

Xildhibaan Ibraahim Xaaji Nuur  Saleebaan (Ilka-case) oo ka mid ah wafdiga  barlamaaniga ah  ayaa Saxaafadda u sheegay in wafdiga Soomaaliya ka socda  uu shirka ka jeedin doono khudbad ku saabsan xaaladda uu  marayo dalkeena Hooyo.

Ibraahin Xaaji Nuur Sulaymaan “Ilka Case” oo  Waraabinta la hadlayna waxa uu yiri.

Wafdigan  ayaa ka kooban toban xubnood oo isugu jira mudanayaal iyo mas’uuliyin ka tirsan qeybta hab-maamuuska baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Shirkan  ayaa ka furmay maanta  Magaalada  Khartoum Dalka suudaan  kaasoo soo gaba gaboobi doona  ilaa 22-ka January.

Kulankii ugu dambeeyay ee midowga baarlamaanada Islaamka oo ay Soomaaliya Xubin ka tahay  ayaa lagu qabtay dalka Malaysia bishii January ee 2012.

Midowga Baarlamaannada Islaamka waxaa la dhisay sanadkii 1999 si loo xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya baarlamaannada dalalka Islaamka iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta dalalka Islaamka ah.

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.