Maraykanka oo dib uga furanaya safaaradii uu ku lahaa magaalada Muqdisho

40


Dowlada Maraykanka ayaa lagu wadaa in safaaradeedii ay ku lahayd Soomaaliya ay dib ugaga furanayso magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowlada federalka Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa sheegay in muddo afar bilood ah ay wadahadalo u socdeen dowlada Soomaaliya iyo tan Maraykanka isla markaana aqoonsiga dowlada Maraykanka ay ka timid kadib markii dowlada Soomaaliya ay noqotay mid aan kumeel gaar ahayn.

Waxana uu madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in labada safaaradood ee Soomaliya iyo Maraykanka ay dib u howlgeli doonaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay aqoonsiga uu yahay mid dowlada Maraykanka ay ula dhaqmi doonto sida dowladaha kale.

Dowlado badan oo caalamka ah ayaa bilaabay muddooyinkii u dambeeyay in safaaradahooda ka furtaan caasimada dalka ee Muqdisho kadib markii ammaanka magaalada Muqdisho uu soo hagaagay.

Dalka Turkiga oo kamd ah wadamada ku bahoobay gaashabnuurta NATO ayaa safaaradiisa ka furtay caasimada Muqdisho iyadoo ay ka bilowday shirkada dayuuradaha ee Turkiga duulimaadyo ay toddobaad walba ku imanayso magaalada Muqdisho.

Dowlada federalka Soomaaliya ayaa bilowday in ay sii kordhiso xiriirka dalalka dibada ah, waxana warkan ku saabsan in dib loo furayo safaaradihii Soomaaliya iyo Maraykanka ay ku soo beegantay iyadoo magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala safaaradaha dibadda.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.