Laba ruux oo ku geeriyootay miino ay ku aasayeen xerada Qaxootiga Xagardheer

37

Laba qof oo lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsanaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ku geeriyootay Miino ku qaraxday xeryaha Qaxootiga ee Xagardheer ee dalka Kenya.

Labadan qof ee ku geeriyootay miinada ay ku aasayeen dhulka ayaa la sheegayaa in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada kooxda shabaab waxaana taliyaha ciidanka Booliska dalka Kenya uu sheegay in la garan yahay meydadka labada Ruux.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in labada qof ee geeriyootay ay doonayeen in ay dhibaateeyaan ciidamada iyo shacabka ku sugan xerada Qaxootiga ee Xagardheer.

Dhanka kale ciidamada amaanka gobolka Waqooyi bari ee dalka Keyna ayaa ka wado howlgalo baaritaanno ah xaafadaha magaalada Gaarisa halkaas oo ay xalay kooxo hubeysay ay rasaas ku fureen hotel ayna ku dileen Afar Ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.

Dadka geeriyooday ayaa waxaa ka mid ahaa ilaala xabsi  kaas oo ku sugnaa Hotelka xiligii ay kooxaha hubeysan ay furayeen risaasta.

Saraakiisha ciidamada magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi bari ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxihii rasaasta ku furay Hotelka kuwaas oo la rumeysan yahay in ay ka kooban yahiin afar ruux.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.