Milatariga oo bilaabay inay dadka ka saaraan xeryihii ciidamada

18


Taliska ciidamada milatariga Soomaaliyeed ayaa bilaabay inay ka saaraan dadka degen xeryaha ciidamada ee magaalada Muqdisho.

Amar ka soo baxay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dadka degen xeradii ciidamada damaanya ee degmada Hodon waxa lagu amray in ay muddo shan maalmood ah ugaga guuraan xeradaas.

Qoraalkan ayaa loogaga codsaday taliyaha ciidamada booliska,nabadsugida iyo maamulka gobolka Banaadir inay gacanka siiyaan ciidamada xoogga sidii looga saari lahaa dadka degan xerada ciidamada ee Damaanyo.

Xerada Damaanya ayaa waxaa ay ka mid tahay xarumihii ciidamada milatariga ee ka jiray magaalada Muqdisho.
Waxana xerada Damaanya ay ahayd mid lagu keydin jirey qalabka dhismaha ee ay ciidamada isticmaalaan iyadoo markii dambana ahayd meel lagu tolo dharka ciidamada milatariga.

Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa inta badan xerooyinkii milatariga waxaa degey dad shacab ah oo iyagu ka dhistey dhismooyin kala duwan,

Dhowaan ayaa maamulka gobolka Hiiraan waxa ay ku amreen dadkii degenaa xerada lamagalaay oo ka mid ahayd xerooyinkii waaweynaa ee ka jirey dalka Soomaaliya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.