Askar ka tirsan ciidamada Booliska oo tababar loogu qaaday dalka Jabuuti

67

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta tababar u diray in ka badan laba boqol oo askari oo muddo saddex bilood ah tababar ku qaadan doona Dalka Jabuuti.

Munaasabadda lagu sagootinayay askar ka tirsan ciidan Booliiska Soomaaliyeed oo gaarayaan 204 askari oo tabar looga qaaday dalka Jabuuti oo ay ka qayb galeen Taliyaha Akadeemiyada  Booliiska General Kaahiye, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed,wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Akadeemiyada  Gerneral Kaahiye ee dugsiga tabarka ciidanka Booliiska  Soomaaliyeed Axmed Dayib “Axmed Dhagacaleen” oo hadal ka jeediyay goobta ayaa  sheegay in ciidanka tababarka loo qaadayo ay yihiin 204  askar iyo saraakiil iskugu jirta 16  ka mid ah in ay yihiin Dumar ayna tabarkaasi  ku soo qaadan doonaan Muddo saddax bilood ah dalka Jabuuti.

Sidoo kale taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Shariif  Sheekhuna Mayee  oo ka hadlay  munasaadda lagu sagootinayay  ciidanka ayaa xusay in askarta iyo saraakiisha la soo barayo ka hortaga argagixisada, Miino baariista, habka loo baaro dambiyada iyo waxyaabo kale.

Taliyaha ciidanka Booliiska ayaa intaa ku daray in sababarkaan ay maal galineyso dowladda Talyaaniga ayna fulineyso dowladda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti, isagoona askarta kula dardaarmay in ay dhowraan sharciga ciidanka Qaranka.

Ugu dambayntii wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mahdi Maxamuud Cali oo dardaaran dheer u jeediyay  askarta iyo saraakiisha gaaraysa 204 ayaa tilmaamay in ay nasiib u yeesheen in ay ku soo tababartaan dad ay iskaga mideysan yihiin diinta, afka iyo dhaqanka isagoon intaasi raaciyay in ay muhiim tahay in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda iyaga oo aqoon leh.

Askarta maanta loo qaaday tababarka oo gaara 204 askari ayaa ku soo beegmaya xili ciidamada Booliska Soomaaliyeed laga doonayo in ay la wareegaan amaanka magaalooyinka laga xoreeyay maleeshiyada Kooxda shabaab.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.