Madaxweynaha J.F.Somalia oo Mareykanka kula kulmay madaxweynaha Bankiga Aduunka

30

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Mareykanka kula kulmay madaxweynaha bangiga Adduunka, ayago ka wada hadlay sidii bangiga Adduunku u taageeri lahaa horumarinta waddanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku joogo dalka Mareykan aytaa waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha Bankiga Aduunka Dr.  Jiim Yoonkiin waxa ayna ka wada hadleen mudane Xasan Sheekh iyo Jiim Yoon Kiin madaxweynaha Bankiga Adunka sidii loo soo celin lahaa hanaanki Banki ee dalka Soomaaliya uu lahaan jiray islamarkaana loo fududeynlahaa  sidii uu xiriir ula sameyn lahaa Bankiga Soomaliya Bankiyada caalamka, iyagoo sidoo kale ay ka wada hadlay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhinac walba.

C/salaam Abuukar gudoomiyha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Qaranka uga warbixiyay wada hadalki dhex maray wafdiga uu hogaaminayay madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Bankiga Aduunka Dr.  Jiim Yoon Kiin oo uu sheegay in is afgarad uu ku dhamaaday wadahadalkaasi.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku howlan sidii dib loogu soo celin lahaa dalka hanaanki Bankigayada Soomaaliya, waxa uuna kulanka madaxweynaha Soomaliya la qaatay  madaxweynaha Bankiga Aduunka qeyb ka yahay dadaalka ay dowlada ugu jirto soo nooleynti xiriirkii Bangiyada caalamka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.