Suxufiyad Siddeed Sano jir ah oo Wareysi la yeelatay Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga!!

22

Hala Dhuwana oo ah Ardayad Siddeed Sano jir ah dhigatana Fasalka labaad ee dugsiga hoose ayaa wareysi la yeelatay Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga xilli ay ku jirtay fasaxa Iskuulkeeda waana suxufiyadda ugu da’da Dalka Turkiga ee Wareysi la yeelata masuul ka mid ah Madaxda Caalamka, waxayna sidoo kale noqoneysaa Suxufiyadda ugu da’da yar ee Wareysi la yeelata Ra’iisul wasaare Racep Tayyip Erdogan, waxaana wehlinayay xilliga ay la yeelanaysay Wareysiga aabaheed oo ay ka codsatay inuu u geeyo Ra’iisul wasaaraha si ay wareysi ula yeelato.

Hala ayaa ka codasatay Ra’iisul wasaaraha inay la yeelato Wareysi xilli uu ka qeyb galaayey shir ay lahaayeen Madaxda Xisbiga Cadaaladda ee Maamula dalkaasi, waxaana uu u sheegay inuu siin doono Wareysiga marka uu ka soo baxo shirka, intaana ay u dul qaadato Aabeheed oo aad ula yaabay isfahamka dhexmaray gabadhiisa iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa sugay.

HALA ayaa aad loola yaabay sida wanaagsan ee aay u Wareysanaysay Ra’iilsul Wasaaraaha oo wadatay Book Note iyo waliba qalin iyadoo sidoo kalena eegeysay Ra’iisul wasaraaha marna Buuga ay ku qoraneysay Waxyaabaha muhiimka ah ee uu sheegayo waxaana ay weydiisay Ra’iisul wasaare Racep Tayyip Erdogan su’aalo ay ka mid ahaayeen Maxaad dareemeysaa maadaama aa tahay Ra’iisul wasaaraha dalka? Maxay kaaga dhigan tahay ?, Ra’iisul Wasaaraha oo qoslaya ayaa ugu jawaabay si wanaagsan waxaana wareysigeed qaar ka mid war ahaan u qaatay Warbaahinta dalka, waana arrin aad loola yaabay!.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.