Taliska ciidanka XDS oo muddo 5 maalin ah u qabtay dadka dagan xerada Damaanyo in ay uga guuraan

85

Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa muddo 5 maalmood ah u qabtay dadka sida sharci darrada ah u degan Xerada Ciidamada ee damaaanyo in ay uga guuraan, isagoo ammar ku bixiyay in laga saaro ciddii ka dhega adeegta fulinta awaamiirtaasi.

War Qoraal ah oo kasoo baxaya Xafiiska Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay la wareegaan Xerada Damaanyo ee ku taalla degmada Hodan,waxaana loogu baaqay dadka sida sharci darrada ah u dhex degan inay isaga guuraan mudada u dhexeysa 17-21-ka bishan maadaama la doonayo in dib u dhis ballaaran lagu sameeyo.

Sidoo kale Qoraalkaan kasoo baxay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa looga codsaday Taliyaha Booliska, Agaasimaha Nabadsugidda iyo maamulka Gobolka Banaadir in ay gacan ku siiyaan Ciidamada xoogga dalka sidii looga saari lahaa dadka degan xerada ciidamada ee Damaanyo.

Waxaana warkan qoraalka ah lagu ogeysiiyay wasaaradaha arrimaha gudaha ,Gaashaandhigga iyo Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Xerada Damaanyo ayaa ka mid ah xerooyinka ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee ku burburay dagaalladii ka dhacay wadanka waxaana Taliska CXD Soomaaliyeed uu haatan diyaar u yahay in dib u dhis lagu sameeyo xeradaasi iyo xerooyinka lamidka ah.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.