Dagaal xalay ka dhacay magaalada Kismaayo, markii Al-Shabaab labo jiho ka weerartay

32

Dagaalo culus ayaa xalay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, kuwa Kenya oo isku dhinac ahaa iyo dagaalyahada Shabaab, kuwaasoo labo jiho ka weeraray magaalada.

Warar kala duwan ayaa saaka ka soo baxaya dagaalka, iyadoo ay sheegayaan inuu jiro qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dagaalka ayaa dhacay xalay saqdii dhexe, waxaana uu ka mid ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa ee mudooyinkan ka dhaca magaalada.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa labo jiho ka weeraray magaalada, gaar ahaan halka lagu magacaabo Jaamacada Kismaayo iyo Suuqa lagu iibiyo xoolaha.

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa saldhig ku leh Jaamacada Kismaayo, halkaasoo ah meelaha ay ka degan yihiin magaalada.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xalay gudaha magaalada laga maqlayay daryanka madaafiicda iyo rasaasta la is dhaafsanayay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegaya in dagaalka xalay uu ahaa mid aad u xooganaa, iyadoo meydka labo ka tirsan dagaalyahanada Shabaab lagu arkay duleedka.

Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay weeraro ku hayay duleedyada magaalada, iyadoo maalin ka hor uu qeybo ka mid ah Jubada Hoose ay jidka ugu galeen kolonyo ay la socdeen Ciidamada Kenya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.