Weerar hubeysan oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo xalay ka dhacay magaalada Gaarisa

43

Weerar Hubeysan oo dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasoo ay isku rasaaseeyeen Kooxo Hubeysan iyo ciidamada booliska Kenya.

Iska hor imaadka ayaa ka dambeeyay markii kooxo Hubeysan ay weerareen mid ka mid ah Hotelada ku yaal Gaarisa, halkaasoo Saraakiil Boolis ku jireen.

Ilaa saddex ruux oo uu ku jiray mid ka mid ah saraakiisha Xabsiyada ee Ciidamada Asluubta ayaa ku dhintay, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Kooxaha hubeysan ee geystay weerarka ayaa baxsaday, iyadoo xalay ilaa saaka ay magaalada howl galo ka wadeen ciidamada amaanka.

Weerarkii xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ayaa ku soo beegmaya, iyadoo lagu wado in magaaladaas uu muuqdo musharaxa xilka Madaxweynaha Kenya u taagan Uhur Kenyatta.

Horaanta sanadkan ayaa la filayaa in magaalooyinka dalka Kenya ay ka bilowdaan doorashooyin, iyadoo ay wali ka jiraan falal amni daro iyo weerar ka dhaca magaalooyinka qaar.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.