Al-Shabaab oo sheegay inay u aar-gudayaan dadkii Ciidamada AMISOM ku laayeen Leego

39

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay u aar-gudi doonto dad rayid ah oo maalin ka hor Ciidamada AMISOM ku laayeen deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo AMISOM ay baaritaan ku sameyneyso dhacdadaas.

Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa ku eedeeyay Ciidamada AMISOM inay dhibaato u geysteen dad rayid ah oo maati ah, isagoo xusay inay kala garan waayeen dadka masaakiinta iyo Mujaahidiinta.

Abuu Cabdalla ayaa sheegay in dadkii lagu xasuuqay Leego uu ahaa mid aargoosi ah, isla markaana loogu aargudayay Ciidamadii Faransiiska ee lagu dilay deegaanka Buulo Mareer, markii ay weerar ku soo qaadeen.

“Dhibaatada AMISOM ay u geystan dadkla deegaanka leego, waxay aargoosi u aheyd dhibaatadii Buulo Mareer ka soo gaartay walaalahooda Faransiiska ayay Ciidamada Brundi dadkaas ugu laayeen”ayuu yiri Abuu cabdalla.

Mas’uulkan ayaa ku goodiyay inay u aar-gudi doonaan dadla lagu laayay deegaankaas, isla markaana mar aan dheereyn Cadawga Alle uu jabi doono sida uu hadalka u dhigay.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Ciidamada AMISOM ilaa sideed ruux oo xoolo dhaqato ah ku dileen deegaanka Leego, halka sagaal kalena ku dhaawaceen, iyadoo Afhayeen u hadlay AMISOM uu sheegay in deegaankaas uu dagaal ka dhacay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.