Shariif Sheikhunaa muxuu ka yiri Kufsigii Ciidamada lagu Eedeeyay !!!

46

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Generaal Shariif Sheekunaa Maya oo wax yar kahor shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka faalooday Eedeeyo loo jeediyay Saraakiil maalmahaani baaritaano ku haayay Ciidamo Kufsi iyo dhac ay u geesteen haweeney shacab ah

Taliyaha ayaa sheegay in Kufsi loo geestay Hooyo kamid ahayd Barakacayaash ku sugan Tarabuunka waxa uuna taasi ku sheegay gaf loo geestay hooyadaasi islamarkaana qaanuunka uu arinkaasi qeexaayo in laga abaalmariyo

Balse Taliyaha ayaa wuxuu sheegay in guddi ku howlanaa baaritaanada ku aadan falkaasi ciidanka lagu eedeeeyay uu usoo idlaaday isaga oo sheegay inay waayeen waxyaabaha cadeynaya kufsiga ciidanka lagu eedeeyay.

Taliyaha ayaa dhanka kale xusay in Askarta lagu soo roggi doono Go’aano dag islamarkaana dhacdo waliba eek a imaada dhanka Ciidanka ay u gudbin doonaan xeer ilaalinta guud ee Qaranka.

Ugu dambeyntii Taliye Shariif ayaa sheegay in kiiska ku aadan kufsiga ee ciidanka Booliiska lagu eedeeyay ay wax ka weydiiyeen haweenaydii la sheegay in la kufsaday balse sida uu sheegay ay u soo baxday baaritaano kadib in arintaasi oo dhan ay aheyd mid laga soo shaqeeyey oo been abuur waxa uuna Taliyaha wacad ku maray in Askarigii lagu arkaa Dhac,boob,kufsi uu xukunkiisa ahaan doono dil toogasho ah oo aan lahayn gambasho sida uu hadalka u dhigay

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.