Madaxweynaha J.F.Somalia oo la kulmay mudanayaal ka tirsan aqalka hoose ee Kongareyska Mareykanka”SAWIRRO”

47

Madaxweynaha Jamhuuriyada  Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku joogo dalka Mareynka ayaa maanta booqday aqalka Kongreeska Mareykanka iyagoo  la kulmeen 20 mudane oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Kongareeska. Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxa uu warbixin ka siiyay mudanayaasha xaaladda Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan amaanka waddanka,  isagoo ku boorriyay mudanayaasha Mareykanka iney soo booqdaan Soomaaliya, ayna sidoo kale dowladda Mareykanka ay dib uga furato safaaraddeedii Muqdisho.

Dhinaca kale madaxweynaha waxa kale uu ka hadlay xiriirka labo-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka,  mar uu ka warbixinayay xirriirka Soomaaliya iyo waddamada la dariska ah ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya iyo waddamada dariska ah xiriirkooda uu aad u wanaagsan yahay.

Wafdiga madaxweyanaha la socdo ayaa waxaa ka mid ah Wasiirradda Arrimaha Dibadda ahna R/W/ku-xigeenka Soomaaliya Fowziya Xaaji Aadan, Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta C/hi Ciilmooge.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa iney la kulmaan Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Washington DC iyo nawaaxigeeda.

kulan-xasan-sheekh

kulan-xasan-sheekh-2kulan-xasan-sheekh-3kulan-xasan-sheekh-4kulan-xasan-sheekh-6

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.