Wasiirka Gaashaandhigga Oo Dalka Dib Ugusoo Laabtay, Kana Hadlay Safarkiisa

42

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa sheegay in dowladda Uganda ay isku afgarteen sidii tababarrada lagu siinayo ciidamada Soomaalida ah  ee dalkaas loogu soo wareejin lahaa gudaha dalka isagoo dhanka kalena ka hadlay kulan uu maanta Muqdisho kula yeeshay masuuliyiin ka socota Q.M.

Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji “Fiqi” wasiirka Gaashaandhigga dalka oo socdaal shaqo ku soo maray dalalka Kenya iyo Uganda ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka iyadoo ay soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta wasaaradda gaashaandhigga iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Difaaca Uganda ay isku raaceen in tabobarada ciidamada Soomaaliya ee lagu siin jiray Uganda loo soo wareejiyo wadanka gudihiisa hase ahaateen ay dowladda Uganada gacan ka geysato tabarka saraakiisha islamarkaana 300 oo Leyli sarkaal loo tababarayo la geyn doono dalkaasi bisha Maarso ee sanadkaan.

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa sidoo kale magaalada Nairobi kula kulmay dhiggiisa dalkaas iyo saraakiil ka tirsan dowladda Ingiriiska u ka mid yahay agaasimaha qeybta Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda  Ingiriiska kaas oo ay ka wada hadleen waxyaabaha diiradad lagu saarayo shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee bisha May lagu qaban doono magaalada London ee dalka UK.

Dhanka kale wasiirka oo ay wehliyeen ku simaha agaasimaha guud ee Difaaca iyo Taliyaha ciidanka XDS ayaa garoonka diyaaradaha kula kulmay saraakiil ka socta Qaramada Midoobay oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan cunaqabateynta xagga hubka ee saaran Soomaaliya iyo sidii mashaariic horumarineed looga hirgelin lahaa goobaha laga saaray argagixsada al shabaab sida uu saxaafadda u sheegay C/xakiim Fiqi.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii  ay dib u dhis baalaran lugu sameyn lahayd ciidamadaa xoogga dalka  islamarkana loo heli lahaa xerooyinkii casriga ahaa oo ay ciidamadu ku lahaayeen gudaha wadanka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.