Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay ka degay Magaalada Washington

43

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay ka degay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaas oo booqasho maalmo qaadan doonta uu ku joogi doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Washington, iyadoo Jaaliyada Soomaalida iyo Saraakiil ka tirsan Mareykanka ay ku soo dhoweeyeen Garoonka.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo La taliyeyaashiisa gaarka ah.

Madaxweynaha ayaa la dajiyay mid ka mid ah Hotelada ugu waa weyn Washington, halkaasoo amaankiisa si gaar ah u ilaalinayaan Ciidamo gaar ah.

Sida uu sheegay mid ka mid ah Jaaliyada Soomaalida ee Washington Madaxweynaha ayaa la kulmaya Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Mareykanka, iyadoo uu Khamiista uu tagi doono magaalada Mennistota oo ah magaalada ay Soomaalida ugu badan ku sugan yihiin.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu la kulmo doono Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha Arrimaha Dibada iyo Gaashaandhiga, sidoo kale waxaa uu la kulmi doonaa hey’ada ugu weyn ee gar gaarka Mareykanka ee USAID.

Booqashada oo ah tii u horeysay ee Madaxweynaha Soomaaliya ku tago Mareykanka tan iyo markii bishii September la doortay ayaa ku soo aaday, iyadoo maalmaha soo socda mar kale Xafiiska Madaxweynaha loo dhaarinayo Madaxweyne Barack Obama oo dhamaadkii sanadkii hore ku guuleystay doorashadii labaad.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.