Ciidamada dowladda oo saaka Howl gal ku qaaday xaafado ka tirsan degmada Wadajir

42

Ciidamada dowladda ayaa saakay waabarigii howl gal ballaaran ku qaaday xaafadaha Nasteexo iyo Buulo Xuubey oo ka tirsan degmada Wadajir, iyadoo Ciidamada ay guri guri u baarayaan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in saakay ay ku soo tooseen Ciidamo fara badan oo xaafadahooda ku sugan, iyagoo dul taagan guryahooda.

“Howl galka waxaa ka qeyb qaadanaya Ciidamada nabadsugida iyo Booliska, guri walba ayagoo taagan ayaan saaka ku soo toosnay”ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in xaafadaha qaar ee degmada Wadajir ay ku dhuumaaleysanayaan rag lagu tuhmayo Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay guryaha kala baxeen dad aad u fara badan oo ku dhow boqol ruux, iyadoo qaarkood saaka gawaari lagu qaaday.

Howl galkan ka socda degmada Wadajir ayaa ah kii ugu horeeyay ee ciidamada nabadsugida iyo booliska ka sameeyaan degmadaas oo sanadkii hore ka dhacay dilalka ugu badan ee Wariyeyaasha loo geystay.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada kala duwan ee dowladda ay howl gal boqolaal ruux ku soo qabteen ka sameeyeen degmooyinka Yaaqshiid iyo Wadajir.

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.