Ururada bulshada ee ka howl gala Sh/Hoose oo soo xero geliyay dhalinyaro ka mid ahaa Shabaab

29

Ururada bulshada gobolka Shabeelada Hoose oo in muddo aha gobolka aan ka shaqeynaynin ayaa maalmahaan danbe waxay dardar galiyeen howlihii ay bulshada u hayeen waxayna soo xero geliyeen dhalinyaro ka mid ahayd Al-Shabaab.

Dhalinyaradaan oo gaareysa ilaa iyo 15 qof ayaa waxaa ka muuqday wajiyadooda duruuf aad u xoogan. Sidoo kale ayaa mar wax laga weydiiyay sida ay dareemayaan ayaa waxay yiraahdeen ‘ma u maleynaynin in sidaan oo kale naloo soo dhaweynaayo.

Xubnihii ka socday ururada bulshada ayaa waxaa hormuud u ahaa Faarax Xiirey Maalin oo si aad u qurux badan ugu wareejiyay dhalinyarada la soo dumay maamulka gobolka Shabeelada Hoose iyo ciidamada qalabka sida isagoo sheegay qaar intaan ka badan in uu wadal hadal u socdo iminka oo ay rajeynayaan mar dhaw in ay keenaan iyadoo uu halkaas ka hadlay gudoomiyaha gobolka Sh/Hoose Cabdulqadir Sheikh Maxamed oo mahadnaq balaaran u jeediyay doorka ay ka ciyaarayaan ururada bulshada sida wanaagsan ay ula shaqeynayaan dowladda. Gudoomiyaha mar uu la hadlaayay ururada bulshada ayaa wuxuu yiri, “Waxaa la oran karaa ururada bulshada waxay abuureen jawi cusub oo aan ahayn mid dagaal oo dhalinyaradii la maranhabaabiyay dib bulshada loogu soo daraayo.”

Barnaamijkaan wuxuu abuurayaa door ugub ah sida in la helo Wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan bulshada iyo dowladda, dhalinyaro qatar ku jirtay ayaa dib nolol cusub ugu abuurmeysaa, waxay fursad iyo dhiirigelin u tahay dhalinyaro kale in ay ka soo baxaan Al-Shabaab, waxaa meesha ka baxeyso cabsida ay kala qabaan dadweynaha iyo dowladda. Waxaa hoos u dhac ku imaanayaa awoodda kuwa nabadiidka ah. Sidoo kale waxay dhalineysaa dhiirigelin ah iyadoona la dagaalamin in dhalinyarada la qalday dib loogu soo celin karo bulshada.

Gaba gabadii ayaa gudoomiyaha gobolka wuxuu carabka ku dhiftay in dhalinyaradaan ay u baahan yihin goobo lagu xanaaneeyo oo dhaqan celin loogu sameeyo iyo sidoo kalein loo helo xirfad iyo shaqo abuuris si aysan u tabin kooxdii laga soo saaray. Wuxuuna mahadnaq balaaran u jeediyay ururada bulshada iyo cid kasta oo ka caawineysaa arimahaan oo kale.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.