In Ka Badan 120 Shaqaalaha Dowladda Ka Mid Ah Oo Tababar Uu Uga Furmay Caasimadda Dalka Burundi

30

Waxaa manta Magaalo maddaxda dalka Burundi ee Bujumbura si rasmi ah ugu furmay tababar la siinayo in ka badan 120 shaqaalaha Dowladda Federaalka ah kaas oo ay qabaneyso  Midowga afrika (Africa Unioin) iyadoona shaqaalahaas la bari doono Habmaamuuska & Maamulka Dowladnimo.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen wafuud badan oo ka kala socotay wadanka marti galinaayo Tababarka , safiiradda Safaaraddaha wadama deeqda bixiya eek u sugan magaalada Bujumbura & waliba safiirka soomaaliya ee Burundi Hon. Abshir Hassan Abshir ayaa lagu qabtay hoolka uu ka dhacayey Tababarka.

Waxaa ugu horeyn xaflada furay wakiilka Middowga Africa ee soomaaliya asigoona sheegay in ay midowga Africa u tahay maalin weyn waayo waxa ay tababar u bilaaween in ka badan 120 shaqaalo kuwaas oo u baahnaa tababarka wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin caawinta shaqaalaha dowladda aysan intaan ku ekaan doonin tababarada ay bixinayaan.

Cali maxamed Xuseen (Cali Atam) oo ka mid ah Saraakiisha Maddaxtooyada Soomaaliya kuna hadlaye afka shaqaalaha ka badan 120 ayaa khudbad qiimo leh uu halkaas ka jeediye waxa uu aad ugu mahadceliye midowga Africa iyo intii gacanta ka geysate qabsoomida Tababarkaan qiimaha weyn ku fadhiyo, wuxuu shaqaalaha Dowladda ee fursadaan helay uu kula dardaarmay in ay waxa ay barteen ugu faa’iideyaan shacabka soomaaliyeed ee shaqada u hayaa, intii aan helina ay sugaan jaaniskooda.

Wasiirka Dhallinyaradda, Isboortiga & Dhaqanka dalka Burundi oo soo xeray xaflada Furitaanka asigoona ku hadlaye afka Maddexweynaha dalka Burundi & dhamaan Golaha Wasiiradda dalkaan ayaa yiri”waxaan aad ugu faraxsanahay in aan manta halkaan idinku soo dhaweeyo anigoo ku hadlaayo magaca shacabka Burindi adinkoo ah shaqaalaha dowladda soomaaliya waxay noo tahay arrin weyn, waxaan u mahadcelinayaa intii arrintaa ka soo shaqeysay qaasatan midowga Africa & intii ku taageertay waxa aan si gaar ah ugu sii mahadcelinayaa Jaamacadda South Africa oo ah Jaamacadda Africa ugu hormarsan oo duruusta idin siin doonta ka faa’iideysta wadankiinana wax ugu qabta” sidaas waxaa yiri wasiirka Dhallinyadda, Isboortiga & dhaqanka dalka Burundi.

Ugu danbeyntii shaqaalaha Tababarkaa u furmay ayaa ah kuwa maalmihi ugu danbeye soo gaaray wadankaan iyagoona ka kala socda dhamaan Hay’addaha kala duwan ee dowladda waana tababar ay aad ugu baahnaayeen shaqaalaha soomaalida iyagoona hadda wajiga koowaad lagu siin doono tababar la xiriira Hab maamuuska & Maamulka (Protocol & Administration Management).

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.