Kulan looga hadlayay maamul u sameynta Kismaayo oo lagu qabtay Muqdisho

24

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan ay albaabada u xiranyihiin la yeeshay masuuliyiin iyo waxgaradka ka  soo jeeda gobalka shabeelaha hoose.

Kulankan ay maanta wasiirrada arrimaha gudaha, garsoorka iyo mudaneyaasha baarlamaanka ee kasoo jeeda gobalka Sh/hoose ayna sidoo kale goob joog ka ahaan wasiir kuxigeenada xukuumadda ee iyaguna kasoo jeeda gobalkaasi ayaa u jeedadiisu waxa ay aheyd in wasaaradda arrimaha gudaha ay wada tashi ku saabsan maamul u sameynta gobalkaasi la yeelato xildhibaanada baarlamaanka beelaha daga gobalka Sh/hoosee maadama ay shacabka gobalkaas ay matalaan.

Kulanka oo ahaa mid uu al baabada u xirnaayeen saxaafaduna dibad joog ka aheyd ayaa markii uu soo gaba gaboobay ayuu wasiirka arrimaha gudaha kusoo bandhigay qorshaha ay ku doonayaan in ay maamul hoos yimaado dowladda Soomaaliya ugu sameeyaan gobolka Sh/hoose, isagoona tilmaamay in la sameynayo maamul ay shacabka ku qanacsan yihiin.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa dadaal balaaran ugu jirto sida maamulo hoos yimaado dowladu shacabkuna ay raali ku yihiin ay ugu sameyn laheyd gobalada dalka oo ay gacanta ku heyso, waxa uuna bilaw u yahay kulanki wadatashiga ahaa ee dhex maray wasaaradda arrimaha gudaha iyo xildhibaanada kasoo jeeda gobolkaasi.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.