AMISOM oo tababar u furtay shaqaale loogu talagalay Dab damiska

63

Taliska Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom ayaa maanta tabar u furay shaqaalaha Rayidka kuwaas oo loo tababari doono ka shaqeynta Gaadiidka dab damiska iyadoo furitaanka tababarkan uu ka soo qeybgalay gudoomiyaha gobalka Banaadir.

Munaasabadan tababarka loogu furay 15 ka mid ah shaqaalaha Rayidka ah ee ka howlgala gobolka Banaadir  ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda gobolka oo uu hogaaminayay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” taliyaha qeybta kahortaga  musiibooyinka AMISOM iyo madax katirsan ciidamada AMISOM.

Intii ay socotay xaflada ayaa waxaa hadalo ka jeediyay qaar ka tirsan saraakiishii ka socotay ciidamada AMISOM waxa ayna kula dardaarmeen in ay si wanaagsan uga faa’ideystaan tababarkaan maanta u bilaawday.

Sidoo kale gudoomiyaha gobolka Banaadir Tarsan ayaa xusay in maanta shacabka Soomaaliyeed ay u tahay maalin weyn maadama ay heleen qalab dab damis ah iyo shaqaale u tababaran howlsha dab damiska.

Waa tababarkii ugu horeeyay ee uu maamulka gobolka iyo AMISOM u furaan howlwadeeno loo carbinayo inay ka hortagaan ama damiyaan dabka waxana marar badan magaalada Muqdisho ay wajahdey gubasho baahsan oo ku timid dhowr jeer suuqyada magaalada.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.