Maamulka Gobolka Sh/Dhexe oo ka hadlay xirnaanshaha shirkadihii Xawaaladaha ee Jowhar

40

Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka hadlay xirnaansha ilaa 10-shirkadood oo xawaaladaha ka howl gala magaalada Jowhar, kuwaasoo albaabada u laabay, markii Maamulka uu ku wargeliyay inay dhiibaan lacago loogu tala galay in looga qeyb qaato nabadgelyada iyo nadaafada.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro oo la xiriirtay Jowhar.com ayaa u sheegay in Maamulka uu horay codsi ugu jeediyay shirkadaha, inay bixiyaan lacago taakuleyn ah oo looga qeyb qaato bilicda magaalada iyo nabadgelyada.

“Maamulka waxaa uu u jeediyay codsi ah inay nabadgelyada wax yar ku taakuleeyaan, in olole nadaafadeed oo bilicda magaalada lagu soo celiyo laga sameeyo, markii hore waa aqbaleen, laakiin markii dambe waxaa ka war helnay iyagoo albaabada u laabay”ayuu yiri Daa’uud Xaaji Ciiro.

Afhayeenka ayaa sheegay in aanay wax cabasho ah u soo gudbin shirkaduhu, waxaana uu tilmaamay in markii hore ay aqbaleen waraaqadihii codsiga ay u direen, balse markii dambe ay iskood ay u xireen xawaaladahooda.

Dhinaca kale Afhayeenka maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in howl galo maanta ay ka sameeyeen galbeedka magaalada Jowhar, gaar ahaan deegaanada Shimbirow iyo Jariirow, halkaasoo uu xusay in habeenkii ay soo galaan Xoogaga Shabaab, hase ahaatee ciidamada Milateriga iyo kuwa Nabadsugida ay saakay gaareen.

Shaqo joojinta ay sameeyeen Shirkadaha xawaaladaha Jowhar ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddo bil ah uu magaalada ku sugan yahay Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib markii 9-kii bishii December laga saaray Al-Shabaab.

You might also like More from author

Comments are closed.