Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo U Ambabaxay Dalka Mareykanka

21

Gelinkii dambe ee maanta waxaa magaalada Muqdisho ka ambabaxay Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayadoo wafdiga Madaxweynahana ay kusii jeedaan dalka Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusii sagootiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari,Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),wasiirro ka tirsan Xukuumadda,xildhibaanno iyo saraakiisha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka oo afka Ingiriiska ku qoran ayaa lagu sheegay in wafdiga Madaxweynaha ay ka mid tahay Ra’isulwasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo sidoo kale la taliyeyaasha Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo dalka Mareykanka waxa uu kulammo la qaadan doonaa madaxda Dalka Mareykanka oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka iyo iskaashiga ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.