Dowladda Faransiiska oo sheegtay inay adkeyneyso amaanka dalkeeda, kadib howl galadii Mali iyo Somalia

16

Dowladda Faransiiska ayaa ku dhawaaqday inay ka feejignaaneyso weeraro uga yimaada dhinaca kooxaha Mintidiinta, kadib markii Ciidamada Faransiiska howl galo ay ka fuliyeen dalalka Mali iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay si weyn u adkeyn doonaan amaanka, isagoo ugu baaqay hey’adaha amaanka inay feejigaan dheeri ah sameeyaan.

Faransiiska ayaa haatan waxaa uu ku lug leeyahay dagaalada ka socda Mali, kadib markii jimcihii uu Ciidamo u diray Caasimada Mali ee Bamako.

Diyaaradaha dagaalka Faransiiska ayaa duqeyno cirka ku wada deegaanada ay ku sugan yihiin Kooxaha islaamiyiinta dalka Mali, kadib markii horaantii sanadkii hore ay la wareegeen Waqooyiga dalkaas.

Sarkaal u hadlay wasaarada Gaashaandhiga Faransiiska ayaa sheegay inay bur buriyeen saldhigyo mucaaradka ku lahaa waqooyiga dalkaas, isla markaana guulo la taaban karo ay ka gaareen.

Faransiiska ayaa ilaa 7-muwaadin looga heystaa Waqooyiga Afrika, waxaana Al-Qaacidada Maqribul Islaam shuruud uga dhigtay sii deynta muwaadiniintaas in Ciidamadeeda kala soo baxdo dalka Afganistan.

Dowladda Faransiiska ayaa ka mida h dowladaha qeybta ka ah la dagaalanka waxa ay reer galbeedka ugu yeereen Argagixisada, iyadoo haatan fara gelin milateri ku sameysay mid ka mid ah dalalkii ay horay u gumeysatay oo qarka u saarnaa in la afgambiyo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.