Dowladda Faransiiska oo duqeyn cirka ku wada Islaamiyiinta Mali

47

Ciidamada cirka ee dalka Faransiiska ayaa wada weeraro cirka ah oo ay la beegsanayaan kooxaha Islaamiyiinta ee dalka Mali, iyadoo ciidamo fara badan u diray Caasimada Bamako, si ay u difaacaan.

Wasiirka Gaashaandhiga Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in Mucaaradka ayaa sheegay in mucaaradka ay isaga baxayaan magaalada bartamaha ee Mopti, waxaana uu xusay in nin duuliye ah uu ka dhintay.

Ciidamada Faransiiska ayaa jimcihii dagaalka qaaday, kadib markii dowladda Mal ay lumisay magaalada muhiimka ah ee Konna, halkaasoo la wareegeen Islaamiyiinta xiriirka la leh Al-Qaacida.

Kooxda Ansarul Diin ayaa khamiistii qabsatay Koofurta Konna, inkastoo dowladda Mali ay sheegtay inay dib u qabsadeen markii Ciidada Faransiiska ay cirka ka duqeeyeen.

Urur goboleedka Ecowas ayaa diyaarinaya ciidamo, si ay u taageeraan Ciidamada dalka Mali, iyadoo Ciidamo ka socda dalalka Senegal iyo Nigeria ay qeyb ka yihiin howl galada.

Dowladda Ingiriiska ayaa taageertay howl galka Faransiiska ka wado Mali, iyadoo Mareykanka uu sheegay in Ciidamada Faransiiska ku gacan siinayo howlaha sirdoonka iyo Lojistikada.

Faransiiska ayaa horay u gumeystay dalka Mali, iyadoo fara gelintan ay qeyb ka tahay dadaalo uu horay uga sameeyay dalal ka tirsan Afrika ee uu gumeystay, markii ay xaalada ku xumaatay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.