Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir oo qoraal uu ka sido Madaxweyne Xasan gaarsiiyey Amiirka Qatar

36

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Somalia Faarax Cabdiqaadir ahna masuul ay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha Soomaaliya, ayaa magaalada Kuwayd kula kulmay amiirka Kuwayd Sheekh Sabaax Al-Axmed Al-jaabir AL-Sabaax kulankaas oo uu ku gudoon siiyay fariin qoraal ah oo uu ka waday madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Wakaalada wararka ee Kuwait News Agency(KUNA) ayaa shaacisay in amiirka dalka Kuwayd uu fariin ka helay madaxweynaha Somalia taas oo ku saabsanayd xoojinta xidhiidhak labada dali.


Jariirada ayaa si aan ula kac ahayn u khaladay dalka uu wasiiru dowlauhu ka socday iyadoo ku sheegtay dalka Sudaan.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ahaa Sheekh Cali Jarrah Al-sabaax oo kamida wasiir kuxigeenada xukumada dalka Kuwayd.

Hoos ka akhri qoraalkii Jariirada KUNA

http://www.kuna.net.kw/ArticleDetails.aspx?id=2285537&Language=en

Faarax C/qaadir oo ah masuul xiriir aad u dhow la leh Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh isla markaasna ah Macadka SIMAD iyo Daladii Waxabarashada Magaalada Muqdisho ayaa safar ku jooga dalalka Khaliijka si uu taageero ugu helo dowlada Soomaaliya oo dooneysa iney wax badan oo muuqda qabato muddada afarta sano ee loo ikmaday.

Idale News Muqdish

You might also like More from author

Comments are closed.