Talyaaniga oo sheegey in uu tababari doono Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

16

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Talyaaniga Guilio Terzi ayaa sheegay in dowladda Taliyaaniga ay tababar u bilaabi doonto bishan 200-askari oo boolis ah oo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Guilio Terzi ayaa tilmaamay in talaabadani ay uga goleeyihiin sidii loogu garabsiin lahaa dowladda Soomaaliya xaqiijinta Ammaanka dalka iyo sidii ay u soo celin laheyd xasiloo nidii iyo kala danbeyntii dalku lahaa.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa sidoo kale sheegya in iyaga oo kaashanaya Midowga Yurub ay sidoo kale ka taageeri doonaan dowladda Soomaaliya dhinacyada Cadaalada iyo garsoorka oo gundhig u ah dowalad wanaag.

Mr. Terzi ayaa xusay in sidoo kale laga sacidoono dowlada Soomaaliya hormarinta kaalmooyinka ay siiyaan wamada deeqbixiyayaasha ah.

Hadalkan ayuu ka sheegay wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaniga ayaa hadalkan jeediyay kaddib kulan uu la qaatay dhigiisa Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aaadan.

You might also like More from author

Comments are closed.