Dowlada Somalia iyo Alshabaab oo mid kastaa guulo ka sheegtay dagaalka Gobolka Gedo

45

Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Alshabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaallo xoogan oo maalintii shalay ku dhexmaray deegaan ka tirsan gobolka Gedo.

Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in dagaalkaasi ay dhankooda ka gaareen guulo la taaban karo.


Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay dagaalkaasi shalay ka dhacay gobolka Gedo inay ku gubeen Saddex gaari oo nooca dagaalka ah sidoo kalena khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ay gaarsiiyeen Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Maxamed Axmed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaasi dhankooda ku gacansareeyeen guulana ka gaareen.

Sarkaalka u hadlay dhanka dowladda wuxuu sheegay inay dileen 12 dagaalyahano ka tirsan Xarakada Alshabaab islmarkaana gacanta ku hayaan maxaabiis Xarakada Alshabaab ah.

Dhankooda waxa uu sheegay inuu jiro khasaare gaaray hase yeeshee waxa uu sheegay in khasaaraha dhankooda gaaray uu ka badan yahay kan ay gaarsiiyeen Xarakada alshabaab sida uu yiri.

Ugu danbeyntii maalintii shalay ayay ahayd markii Ciidamada dowladda xili ay ku sii jeedeen deegaan ka tirsan gobolka Gedo wadada u galeen Ciidamo ka tirsan Xarakada alshabaab halkaasoo labada dhinac ku dhexmaray dagaal la isku adeegsaday Hubka culus iyo Midka Fudud.

You might also like More from author

Comments are closed.