Shirkadda Nike ayaa kabo cusub oo cajiib ah u sameysey xiddiga Real Madrid iyo Portugal Cristiano Ronaldo

20

Shirkadda Nike ayaa kabo cusub oo cajiib ah u sameysey xiddiga Real Madrid iyo Portugal Cristiano Ronaldo.

Kabaha cusub ayaa waxaa loogu tala galay in Ronaldo uu garoomada ku soo galo sanaddan 2013. Kabaha ayaa waxaa ku qoran lambaradan tixan oo kala ah 1-9-14-19-27-55-60. Haddaba aan macneyno waxa ay u taagan yahay lambaradaas, oo dhammaan ka turjumaya wixii dhacay sanaddii 2012.


• 1 – Waxa uu ku guuelystay horaantii sanaddii 2012, horyaalkiisii ugu horeeyay ee Spain.

• 9 – Sagaal Gool ayuu u dhaliyay xulkiisa Portugal, sanaddii 2012

• 14 – Afar iyo toban kullan ayuu u cayaaray xulka Portugal sanaddii 2012.

• 19 – Waxa uu noqday cayaaryahankii ugu horeeyay taariikhda ee gool ka dhaliyay dhammaan 19-ka koox ee La Liga hal xilli cayaareed gudahiis.

•  27 -Waxa uu noqday 27 jir, sanaddii tagtay ee 2012

•  55 – Waxa uu cayaaray 55 kullan dhammaan tartamada.

•  60-  gool ayuu u dhaliyay Real Madrid dhammaan tartamada.

Ahmed Faarah  Jaangoan

You might also like More from author

Comments are closed.