Wasiirka Gaashaandhiga Kenya iyo Ganacsatada Islii oo kulan ku yeeshey magaalada Nairobi/Kenya

17

DhageysoWasiirka Gaashaandhiga Kenya, Yuusuf Xaaji [audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/01/Yusufxaaji.mp3]
Sheekh Shakuul [audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/01/Sh.Shakuul.mp3]

Mas’uuliyiin isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ayaa maanta kulan la yeeshay ganacsatada xaafada Islii ee magaalada Nairobi.Shirka ayaa looga hadlay dhibaatada ciidamada amnigu ku hayaan xaafada Islii iyadoo la sheegay inay dhac iyo qabqabasho sharci daro ah ka wadaan ka wadaan xaafada


Yuusuf Xaaji oo kamid ahaa masuuliyiintii shirka ka hadashay ayaa sheegay in loo baahanyahay in dadka kunool xaafada Islii ay soo qoraan nambarada askarta dhibka geysanaysa  iyo taarikada gaadiidka ay wataan si sharciga loo horgeeyo.

Sheekh Shakuul oo ganacsatada u hadlay ayaa sheegay in askartu dhibaato xoogan ku hayaan xaafada Islii, wuxuu sheegay in dadkii laga qafaalayo dukaamada,hoteelada guryaha isagoo sheegay in xataa la qafaalayo dadka haysta sharciga kibaandhaha.Wuxuu Sheekh Shakuul sheegay in askartu ay soomaalida lacag ka qaataan.Kulanka waxaa ka qeyb galay gudiga ganacsatada xaafada Islii xubnaha kala ah  Xasan Guuleed,Shiikh Maxamed Ibraahim Shakuul iyo Shiikh Abuukar Jimcaale .

Dhanka dowlada waxaa xubnihii joogay kamid ahaa wasiirka gaashaandhiga.

Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji,Wasiirka hormarinta gobolada waqooyi ee dalka Kenya Maxamed Ibraahim Cilmi,Xildhibaano ay ka midka yihiin Adan Bare Ducaale iyo Safiyo Cabdi Nuur.

Idale News Nairobi/Kenya

You might also like More from author

Comments are closed.