Guddoomiyaha Gobalka Bay oo wax laga xumaado ku tilmaamey dil Bardaale loogu geysey shaqsi u dhaqaaqa isboortiga gobalka Ba

28

[audio:http://warqaad.com/wp-content/uploads/2013/01/Halkan-Ka-Dhageyso-Guddoomiyaha-gobolka-Bay-oo-ka-hadlaya-Nin-Al-Shabaab-ay-ku-dileen-Nawaaxiga-Bardaale.mp3]
Xarakada Al shabaab ayaa la sheegayaa in ay wadada u galeen baabuur uu watey nin lagu magacaabo Samoow oo la sheegey inuu ahaa shaqsi u dhaqdhaqaaqa arrimaha Isboortiga gobalka gaar ahaan degmada Berdaale.

Marxuumka ayaa lagala degay baabuurkii uu watey oo ka tagey degmada Bardaale kuna sii jeedey degmada Luuq, waxaa xarakada Alshabaab oo ninkaasi  inta aysan dilin ula kaceen wado aado degmada Waajid, ka dibna la sheegey in ay dileen.


Guddoomiyaha Gobalka Bay oo ka hadlaayey falkaas lagula kacey marxuum Samoow in ay arrimahaas soo noqnoqdey ay wax ka qaban doonaan hase ahaatee ma muuqato awood maamulka gobalka Bay uu kaga hortagi karo dagaalada ku dhufo oo ka dhaqaaq iyo shilalka kale ee wadooyinka gobalaada Koonfur Galbeed Somalia ka dhaca.

Idale News Baidoa.

 

You might also like More from author

Comments are closed.