Ururka Wadamada Islaamka “OIC” oo shirweyne dhowaan uga furmi doono Magaalada Istanbul

32

Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka ayaa shaaca ka qaaday in isniinta todobaadka inagu soo foolka leh, ay magaalada Istanbul ku qaban doonaan shirweyne caalamiya oo la xidhiidha sidii islaam nacaybka dunida ku sii fidiya loogu heli lahaa qaab sharci iyo garsoor oo si heer caalami ah loogula dagaalamo kooxaha loogu yeedho, [Islamophobia].

Afhayeenka ururka Iskaashiga waddamada Islaamka Ridwan Sheekh oo ka hadlay shirkan ayaa sheegay, in shirwaynahani yahay, mid wasiirada arrimaha dibada ee dalalka Islaamku iskula qaateen shirwaynihii bishii November ee aynu ka soo gudubnay uga qabsoomay magaalada Jabuuti ee jamhuuriyada Djibouti.


Afhayeenka ayaa sheegay in shirkaas ay ka soo qayb gali doonaan, khabiiro aqoon sare u leh, sharciyada caalamiga ah ee dunida, kooxo ka tirsan ururada xuquuqal iinsaanka ee aduunka, sidoo kale waxa dadka ka soo qayb gali doona ka mid ah, Safiirada waddamada Islaamka ee dunida iyo shakhsiyaadka caalamiga ah ka qayb qaata Ololaha Islaam nacaybka dunida (Islamophobia) doorka wayn ka qaata.

Ridwan Sheekh afhayeenka ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka ayaa sheegay in qodobada lagaga doodo shirkan caalamiga ah, laga soo saari doono war muurtiyeed ay ku dhan yihiin, go?aamada la iskula qaato, kuwaas oo la soo hordhigi doono shirwaynaha dalalka Islaamka madaxdooda uga furmi doona magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar bisha February ee inagu soo foolka leh.

Qodobada la is kula qaato shirwaynahan lagu gorfaynayo la dagaalanka aragtiyaha loogu yeedho (Islamophobia), ee ku salaysan Islaam nacaybka dunida ka soo kordhayay sanadihii u danbeeyay, kuwaas oo marka madaxweynayaasha, boqorada iyo raysal wasaarayaasha Islaamku Isla qaataan, loo qaybin doono ururada Qaramada midoobay, Midowga Yurub iyo dhamaan urur goboleedyada dunida, si loo ilaaliyo wada noolaanshaha iyo isa saamaxa diimaha kala duwan.

Hogaamiyayaal badan oo uu ka mid yahay boqorka Sucuudi Arabiya, Amiir Cabdalle Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud iyo madaxweynaha Masar Dr. Maxamed Murzi ayaa ku biiray dhawaan madaxweynayaal iyo hogaamiyayaal ka tirsan dunida Islaamka oo ku baaqay in sharci caalami ah laga soo saaro, la dagaalanka kooxaha caadaystay Islaam Nacaybka ee [Islamophobia] loogu yeero.

Idale News Istanbul.

 

You might also like More from author

Comments are closed.