Daawo: Xaalada magaalada Muqdisho oo ka soo raynaysa iyo dadkii oo magaalada ku soo noqonaya

0 34

Magaalada Muqdisho ayaa dadku aad ugu soo noqonayeen bilihii ugu dambeeyey waxaana saraakiisha airport magaalada Muqdisho ay sheegaayaan in duulimaadyo maalin walba yimaad magaalada Muqdisho ay keenaan dad lagu qiyaasey in ay kor u dhaafayaan 500 qof oo dunida dacaladeeda ka imaada.


Waxaa intaasi sii dheer in qaar badan oo qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ay iyaguna bilaabeen iney dalkooda Soomaaliya dib ugu soo noqdaan ka dib markii ay dowlada Kenya ay ku amartey in ay ku noqdaan xeryaha qaxootiga ee Dhabaab iyo Ifo.


Marka aad joogta magaalada Muqdisho waxay indhahaadu qabanayaab isbedelo xaga nolosha iyo bilicda magaalada Muqdisho sida dhismayaal cusub oo hareeraha iyo gudaha magaalada Muqdisho ka socda, taraafiko gaadiid kala hagaayo, layrar ama nalalka wadooyinka, iyo dayactir ku socda qaar ka mid ah xarumihii dowlada iyo wadooyinka magaalada Muqdisho kuwaasoo shaqo u abuurtey dadkii xoogsatada ahaa ee magaaalada ku dandareysaa in muddo ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.