Wasiirada Arrimaha Bulshada oo ka warameysa booqashadeeda Turkiga iyo Tuniisiya

19

Wasiirada Wasaarada Arrimaha Bulshada Marwo Drs Maryan Qaasim Axmed oo booqosho rasmi ku jooga dalka Turkiga ayaa waxay ka warantey kulamada ay la yeelatey qaar mid ah masuuliyiinta Turkiga iyo safar kale oo ay ku tagtey Tuniisiya oo looga hadlaayey arrimaha horumarinta waxbarashada.

Wasaarada Arrimaha Bulshada oo kulmisa dhowr wasaaradood oo kala ah Caafimaadka, Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Dhalinyarada iyo Isboortiga, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, iyo Deegaanka ayaa ah wasaarada ugu muhiimsan ee dowlada.


Wafdiga Wasiirad Maryan ayaa dib ugu soo noqotey Turkiga ka dib markii ay shir kale ay kaga soo qeyb gashey Turkiga, waxayna horey kulan ula qaadatey masuuliyiinta wasaarada caafimaadka, iyo dhalinyarada iyo isboortiga, waxayna bishaan Janaayo 2deeda kulamo la leedahay wasaarada waxbarashada Turkiga iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga oo ay kala hadli doonto arrimo u badan dhismaha Machad weyn oo lagu barto caluumada maamulka iyo maareynta oo dhawaan la filaayo in magaalada Muqdisho laga dhiso iyo sidoo kale scholarshipyada ay Turkiga siiso dowlada Somalia.

Dhageyso Wareysiga wasiirada Wasaarada Arrimaha Bulshada oo arrimahaas ka hadleysa.

Idale News Istanbul

 

You might also like More from author

Comments are closed.