Xarunta Dugsiga Sare ee Scuola Polizia oo uu ka furmey Shirkii Ansixinta Dastuurka

60

Wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshiisiinta xukuumdda KMG ayaa ku dhawaaqday in uu saaka si rasmi ah u furmay shirkii ansixinta Dastuurka ayna diyaaryihiin inta badan ergadii ansixin laheyd Dastuurka.

Wasiirka wasaaraddaasi C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa warbaahinta qaranka u sheegay  in shirka ansixinta dastuurka uu Sagaalkii Aroornimo ee saaka si rasmi ah uga billaawday xarunta Iskool Bolisiya ee Muqdisho kaas oo sida uu sheegay socondoona muddo Sagaal Maalmood ah.

Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in ergada  shirka ay joogaan 90% halka inta kalena ay dhawaan soo gaaridoonaan shirka,  isagoo xusay in Lixdii aroornimo ee saaka ay bilaabatay diiwaan gelinta ergada iyo martisharafka kale ee ka  qeybgelaya shirka.

dhanka kale goobta uu shirku ka furmay ayaa waxaa gaaray ergada ansixinta Dastiirka, Saxaafadda iyo martisharaf kale oo shirka lagu casuumay, iyadoo ciidamaduna ay si weyn u adkeeyeen ammaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga goobta uu shirku ka dhacayo waxaana la xiray dhamaan waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho si looga hortago fal kasta oo liddi ku ah ammaanka.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.