Daawo: Hay’ada UNDP Oo Tababar Ku Saabsan Maamul Wanaaga U Qabatey Xubno Ka Tirsan Dowlada KGS

0

Baydhabo(NO)-Aqoon isweydaarsi kusaabsan Maamul wanaaaga  oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradaha Arimaha Gudaha  Ee dowlada Federaalka Soomaaliya  iyo wasaarada Arimaha Gudaha Ee  Dowladda  Koonfur-galbeed  Soomaaliya  islamarkaana ay taageereyso Hay adda  Mashaariic UNDP ayaa waxaa maanta laguqabtay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

unnamed

Aqoon isweydaarsiga ayaa waxaa  looga faa ideynaayey xubno ka kalasocday  wasaaradaha Dowladda  Konfur-galbeed  Soomaaliya  iyo xubno kasocday Maamulka Gobolka Bay iyo  kan Degmada Baydhabo.

Displaying o.jpg

Aqoon isdhaafsigan oo socondoona mudo labo maalmood ah ayaa furitaankiisa waxaa kasooqaybgalay Wasiirka wasarada Gudaha iyo dowladaha Hoose Ee Dowlada KGS Mudane  Abdirahmaan Ibraahim Aaden ( Sate),Gudoomiyaha Gobolka Bay Abdirashid Abdulahi LFC ,Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Cabbdulahi Cali Watiin  iyo Abdirahman Cali gaab.

Waxaana munaasabada ugu horeyn kahadlay Abdirahman Cali gaab   oo ah wakiilka Hay’ada UNDP Ee Goboladda KGS  Ayaa  ka warbixiyey Ujeedada Tababarkan loo qabanaayo.
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo iyo Gudoomiyaha Gobolka Bay ayaa waxaa ay kamahadceliyeen aqoon isweydaarsigan iyo sida uu faa’idada uguleeyahay  masuuliyiinta maamulada kaladuwan.

Ugu dambeyntii Hay’ada UNDP Ee Qaramada Madoobey Ayaa  waxay wadanka  soomaaliya ka wada dardar galinta hawlaha mashaariicda iyo wacyi-galinta  Bulshadda Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Sawiradda 

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

Email: Idalenewsonline@gmail.com

Leave A Reply

Your email address will not be published.