Wasiir dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qadir oo la kulmey Sacuud Al faysal, Wasiirka Dibadeedka Sacuudiga

0 57

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Saudi Arabia ayaa la kulmay Wasiiru dowlaha Maxtooyada Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir Maxamed kaasi oo booqasho ku tagay Magaalada Riyaad ee Caasimada dalkaasi.

Amiir Sacuud Al-Faisal, wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudi Carabiya ayaa ku qaabilay wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya xafiiskiisa waxana ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya.


Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir ayaa u dhiibay wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga warqad uu kawaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh taasi oo loo gudbin doono boqorka dalkaasi boqor Cabdalla.

Wakaalada wararka dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in warqada uu Mr Faarax u gudbiyay boqorkaa Sacuudi Carbiya ay ku xusnaayeen arrimo ay ka midyihiin in dowladda Sacuudiga ay dib u habeyn ku sameyso labo masjid oo waa weyn oo Soomaaliya ku yaalla.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.