Safaarada Soomaaliyeed ee Kenya oo xaqiijisey in qaxootiga Soomaaliyeed bilaabeen iney dalkooda dib ugu soo noqdaan

44

Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa xaqiijisey in muwaadiiin Soomaaliyeed oo qaxooti ahaan u joogey in ay dalka dib ugu soo laabanayaan tan iyo markii dowlada Kenya ay iclaamisey in dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah wadankeeda iney tagaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee dalkaasi.

Gudoomiyaha Gobolkaas ayaa diidmo kala hor yimid go’aanka dowlada Kenya ku gaartey in dib qaxootiga loogu celiyo xeryaha qaxootiga ee ku yaalaa gobalkooda, iyagoo sheegey in markii horeba xerooyinkaasi ahaayeen kuwa buux dhaafey oo qaxooti hor leh oo dib loogu soo celiyo aysan ogolaan doonin, dacwadna ay Maxkamada sare ee dalkaasi u gudbin doonaan haddii ay xukuumada Kenya ay arrintaas ku dhaqaado.


Dadka Soomaaliyeed ee hadda noqonaaya ayaa si iskood ah u go’aansadey in dalkooda Soomaaliya ay dib ugu noqdaan maadaama ay shegeen in cabsidii amni daro ee ay ka soo carareen aysan markaan ka jirin qaar ka mid ah gobolada ay ka soo carareen gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo amnigeeda aad uga soo raynaayo tan iyo markii gabi ahaanba ay ka baxeen xarakada Al-Shabaab

Safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa Xaqiijisay in dad gaaraya 7-Kun ay bishan ka  baxeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya kuwaas oo aha Soomaalidii Qaxooti  ahaan u joogtay Kenya.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Cali amerika ayaa sidaas sheegay, waxa uuna sheegay in dadka laabanaya aysan ahayn dad xoog loo Celiyay balse ay yihiin kuwa si is kood ah u laabtay.

“ safaarada way la socotaa dadka laabanaya mana ahan dad Xoog lagu waday oo Garoonka la geeyay, balse waa dad ayaga iska baxay markii amarka la soo rogay, safaaradana way la socotaa dadkaas”ayuu yiri Danjire amerika.

Sidoo kale dadka ku baxaya dhinaca lugta ee ka gudbaya Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaan lagu darin tirade kuwaas oo gaaraya Boqolaal maalin kastaba ka gudbo xadka, taasi oo ay u sii dheer tahay dad sii aadaya dalka ugandha si ay ugu helaan amaan.

waxaa batay Go-homeka ay uga baxayaan Soomaalida garoonka Joma Kenyati oo sii kordhaya waxaana maalin kasta safaarada Soomaaliya ee Kenya ay samaysaa Boqolaal Go-home ah, maadaama dowlada Kenya aysan ogolayn in pasaporka Soomaaliga looga Duulo halkaas.

You might also like More from author

Comments are closed.