Madaxweyne Xasan oo Kenya uga duuley dalka Uganda

55

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gabo gabeenayaya socdalkiisa Kenya waxaana uu u duuley  Magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi oo ah Wasiirka Wasaarada Wafaafinta ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Uganda  kula kulmi doono dhigiisa Musaveni kaddib markii uu casuumaad ka helay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Kaguta Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa kawada hadli doona arrimo badan oo quseeya xaaladaha labada dal waxaana la filayaa in diirada ay saari doonaan howlgalka ciidamada Uganda ay ka wadaan Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka ah AMISOM.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa horay socdaal ugu kala bixiyey dalal u yaala bariga Africa sida  Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya si loo xoojinta xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya wadamada dariska ah iyo kuwa gobolka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.