Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo Xalay kormeer kedis ah ku tagey qaar degmooyinka Muqdisho ka tirsan

48

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo safar dib ugu soo laabtey shaley ayaa xalay kormeer ku tagay Isgoysyada degmooyinka Kaaraan,  Yaaqshiid, Howlwadaag iyo Wartanabada Ayaa ujeedada kormeerkiisu waxa ay aheyd in uu u kuuurgalo xaalada amni ee Magaalada Muqdisho iyo sida ay habeenki ciidamada uga shaqeeyan Isgoysyadaasi.

Waxaana ku wehlinaayay wasiirka kormeerkiisa xalay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekhunaa Maye iyo taliyaha ciidamada nabad sugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Erag.

Marki ay ka soo laabteen madaxdu kormeeki ay xalay ku tageen qaar ka mid ah Degmooyinka gobalka Banaadir  ayaa waxaa idaacadaha maxaliga gudaha caasimada Muqdisho ka jira ka hadlay  C/kariim Xuseen Guuleed wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Waxa uuna tilmaamay in ay sii socon doonaan howlgallada ciidamada ay ka Wadaan caasimada dalka,  iyagoo si wadajir ah u sameyndoono howlgallada iyo Kormeerada lagu xaqiijinayo  amniga guud ee caasimada dalka.

Waa kormeerki ugu horeeyay oo uu wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka Qaranka ku tago qaar ka mid ah degmooyinka gobalka xilli habeen ah tan iyo marki uu la wareegay xilka wasaaradaasi

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.