Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed oo la filaayo in lagu dhawaaqo horaanta sanadka Cusub 2013

33

Waxaa heer gebo gabo ah maraya qorshaha maamul loogu sameynaayo afar gobol oo ku yaala Koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana soconaya hab la iskugu biirinayo gobollada qaar si maamul goboleed looga unko halkaas.

Xubnaha ku howlan maamul usameynta gobollada Bay, Bakool, Shabellaha Hoose iyo Gedo ayaa waxay sheegayaan in dhawaan la soo gaba-gabeeyo isla markaasi shirweyne lagu iclaaminaayo uu ka dhaco xarunta gobalka Bay ee Baydhaba horaanta sanadka cusub ee 2013.

Inkastoo ay ka gaabsadeen xubnahaasi inay wareysi siiyaan Xafiiska Warqabadka Idale News Online ee Magaalada Muqdisho ayaa hadana waxay si hoose ugu sheegeen sida la qordheeyey shaaca laga qaadi doono magaca maamul gobolleedkaasi oo loo badinaayo inuu noqdo Koonfur Galbeed Somalia, iyadoo sida warar aan la hubin haddana la isla dhexmaraayo sheegayaan in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu dhaqaale ku bixinaayo sidii uu madax uga noqon lahaa maamulka cusub.

Xildhibaan Shariif Xasan Shiikh Adan ayaa maamlmihii dambe uu ku howlanaa kulamana kula qaadanayey magaalada Nairobi oo uu hadda ku sugan yahay odayaal, waxgarad iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobollada la doonayo inay isku biiraan maamulka uu yagleelan doono.

Waxaa jira kulamo iyaguna kaas ka soo horjeeda oo ay ku howlan yihiin madaxweyne Xasan Sheekh iyo Afhayeenka barlamaanka kaasoo ku aadan maamul ka dhan ah Jubooyinka sidoo kalenalooga soo horjeedo Maamulka kale ee Shariif Xasan Sheekh Aadan ololihiisa ka wado dalka dibadiisa

Isbuucaan horaantiisii xilli habeen ah ayaa waxa magaalada muqdisho kulan ku yeeshay odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool kalana hadlay maamul usameynta Gobolladaasi waxaana ay kulankaasi la qaateen madaxweynaha Somalia iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka lamana oga go’aankii la isla gaaray.

Shariif Xasan Shiikh Adan Wasiirkii hore ee Wasaaradii Maaliyada Xukuumadii Ra’iisalwasaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sidoo kale labo jeer waxa uu soo noqday gudoomiye Baarlamaan waxaana la sheegaa inuu yahay nin siyaasada Somalia si weyn galaangal ugu dhex leh.

Xildhibaan Shariif Xasan Shiikh Adan ayaa wali xaadirin fadhiyada baarlamaanka Somaliya ee xilkasi uu ku magacaaban yahay waxaase iminka uu doonayaa maamul gobolleed uu madaxweyne ka yahay in dhawaan uu ku dhawaaqo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.