Caro ka dhalatey Natiijada Codbixinta Golaha Deegaanka ee Degmada Hargeysa ee Guddiga doorashada Somaliland ku dhawaaqeen

32

Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa caawa fiid horeba dadka guryahooda u dareereen ka dib markii isku hor imaad dhex marey ciidanka Booliiska Somaliland iyo dadweyne careysan oo gadood ka keeney natiijadii codbixinta ay guddiga doorashada Somaliland ku dhawaaqeen.

Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa dhammaan daafaha magaalada Hargeisa tasoo keentey in dadkii magaalada Hargeysa galin horeba guryahoodii u kala dareeraan.

Lama sheegin iney jiraaan cid wax ku noqotey ama khasaaro uu ka soo gaarey rasaasta tirada badan ay ciidanka booliiksku ku ridayaan dadka mudaaharaadka isugu soo baxey oo diidan natiijada codbixinta ee golaha deegaanka ee degmada Harygaysa.

Idale News Hargeisa.

You might also like More from author

Comments are closed.