Dowlada Somalia oo codsi u dirsadey Qaramada Midoobey…

32

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in labo codsi oo isbarbar socda ay u dirsatay Hay’ada Qaramada Midoobay iyo dowladaha daneeya arrimaha dalka Soomaaliya, wararka ayaa intaasi ku daraya in ay ka codsatay in ay ka taageeraan dhismaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo sidii loo qalabeyn lahaa Cidanka Dwladda qeybahooda kala gadisan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Dowladda Soomaaliya ay ugu horeyn markale ka codsatay Hay’ada Qaramada Midoobay in qeyb ahaan laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Dalka Soomaaliya si ay dib ugu dhisto ciidamada Qalabka Sida ee Dalka Somaliya, isla markaasna ay awood ugu yeelato in ay ciidamada dowladda gacanta ku dhigaan aanka guud ee dalka Soomaaliya, isla markaasna laga maarmo ciidamada shisheeye ee hadda ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa markii sedexaad Qaramada Midoobay ka dalbaday inay ka qaadaan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, wuxuuna xusay in haddii cunaqabateynta laga qaado ay fududaaneyso in dib u dhis lagu sameeyo ciidamada dowladda Soomaaliya qeybahooda kala duwan, wuxuuna Wasiirka Gaashaandhiga ku dooday in haddii la qalabeeyo ciidamada dowladda Somaliya ay ciidamada AMISOM kala wareegi karaan ammaanka guud ee dalka markasta oo loo baahdo.

Dhinaca kale war ka soo baxay madaxda dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in laga codsaday dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya in ay Soomaaliya gacan ka siiyaan sidii ay cagaheeda isugu taagi laheyd, isla markaasna ay uga taageeri lahaayeen dhinaca dhaqaalaha iyo amniga, wuxuuna warku intaasi ku daray in dowladihii horay balanqaadka ugu sameeyay Soomaaliya inay ka dhabeeyaan balanqaadkoodii ahaa inay dhalaaqe ku taageerayaan dowladda Soomaaliya iyagoo aan cidina u soo marsiin.

You might also like More from author

Comments are closed.