Dil loo geysey Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan.

25

Warka laga helaayo Magaalada Beledweyn ee Gobalka Hiiraan, waxaa uu sheegayaa in magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiran lagu dilay guddoomiyaha  golaha-odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan Sheekh Muxumed Sheekh Xuseen oo caan ku ahaa magaca “Marya-cadde”.

Sida ay sheegeen goobjoogayaal maruumbka ayaa waxa dilay labo dhallinyaro ah oo ku hubeysan bastooyada  isagoo ku sugnaa bartamaha suuqa magaalada Beledweyne kuwaasoo markii ay dilka geesteen goobta ka baxsaday.

Marxuumka maanta la dilay ayaa xilkaas shaley uun loo magacaabay kaddib xaflad ka dhacday magaalada Beledweyne.

Illaa hadda ma cadda sababta loo dilay marxuumka iyo cida dishay toona, laakin maamulka gobalka Hiiran ayaa hoosta ka xariiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qaban lahaayeen kooxdii falka dilka geestay.

Markii dilka uu dhacay waxa soo gaaray goobta ciidamada ammaanka gobalka Hiiran iyo ciidamada AMISOM ee waddanka Djibouti, kuwaasoo howgalo ka bilaabay magaalada.

Mar uu marxuum Marya-Cadde ka hadlayay ammaanka gobalka hiiran gaar ahaan magaalada Beledweyne wuxu sheegay in odayaasha dhaqanka looga baahan yahay siddii ay uga shaqeyn lahaayeen amni ku soo dabaalida magaalada.

Waa guddoomiyihii ugu horreyay ee odayaasha –dhaqanka gobalka Hiiran ay doortaan guddoomiye ay hoostagaan tan iyo markii magaalada laga saaray Al-Shabaab.

Magaalada dhowr jeer ayaa waxa ka dhacay dilal qorsheeshaan kuwaasoo loo geestay dad xiriir dhow la leh dowladda Soomaaliya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.